Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Khaatumo oo magac yaab leh u bixiyey Somaliland

Hoggaamiyaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Golaha wasiirrada ka dib Safarkii Ra’isul Wasaaraha iyo weftigiisu ku yimaaddeen degaanka dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale safarkaas taariikhiga ah ee ay SSC-Khaatumo ugu aqoonsadeen dawlad goboleed buuxa.

Golaha ayaa bogaadiyey go’aankaas iyo safarkaas taariikhiga ah ee wefdıgaas ballaarani ku yimaaddeen deegaanka sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada SSC

Dhanka kale Shirka ayaa diirradda lagu saaray arrimaha amniga, difaaca, midnimada iyo siyaasadda.

Ugu dambayn, Golaha ayaa go’aamiyey in maamulka Somaliland wixii hadda ka dambeeya ay ugu yeeraan “Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed (KGWG).”

Related posts

Odayaasha iyo Bulshada soo xuleysa Ergada Kuraas lagu dooranayo Galmudug oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Xiliga la bilaabayo Maxkamadeynta Trump oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka oo qaaday talaabo loga hortagayo musuqa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---