Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo dhiirigeliyey ciidankii saaka laayey Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamulka goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa la hadlay Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Daraawishta Dowladda Koonfur Galbeed ee ku sugan Furumaha laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada hawlgallada ay wadaan ee ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo xusay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaannada ku dhow magaalada baydhabo ay ciidamada ku jabiyeen Al shabaab, iyaga oo halkaas ku dilay xubno ka tirsan kooxda.

Sidoo kale, Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyay in la taageero ciidamada qalabka sida ayna tahay in uu qof kasta oo Soomaaliyeed uu xertaa tuuto.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo Warbaahinta dowladda Soomaaliya la hadlay, ayaa sheegay in dagaal saakay ciidanka la galeen kooxda Al-Shabaab jab xooggan ku gaarsiiyeen, waxa ayna xuseen in dagaalka lagu laayay dagaallamayaal iyo saraakiil ka tirsan kooxdaasi.

Waxay sheegeen saraakiisha in dagaalka lagu dilay inta la hubo 35 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaasoo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogyaal, waxaana meydadka raggan la dilay oo qaarkood ciidamada dhulka ku jiidayeen lagu baahiyay sawiradooda barta Telegramka ee Tv-ga Qaranka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ugu Hambalyeeyey Ciidamada Qalabka sida Jabka Xoogan ee maanta ay Gaarsiiyeen Alshabaab oo Weerar Gaadmo ah kuso qaaday Fariisamo ay la haayeen

Related posts

Taliye Gorod oo soo saaray amar adag oo ku socda ciidamada Milateriga

Caydiid Ali

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo geeriyooday iyo DFS oo..

Cabdi Cade

DF oo ka carootay hadal ka soo yeeray Axmed Madoobe, raali gelina ka dalbatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---