Sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay xafiiska RW Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa warqad digniin culus xambaarsan u diray agaasimaha heyadda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee Somalia Mustaf Dhuxulow.
Warqada ka soo baxday xafiiska Xamse ayaa lagu amray agaasime Dhuxulow inuu joojiyo kulamada uu la qaadanayo safiirada dalalka ajnabiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Qoraalka Xamse ayaa sidoo kale ku amray Mustaf Dhuxulow inuu ku ekaado waajibaadkiisa shaqo ee ku aadan maamulka heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha oo uu agaasimaha ka yahay.
Talaabada uu qaaday Xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa timid ka dib markii Wasiirka arrimaha dibeda & iskaashiga caalamiga ah Axmed Macalin Fiqi uu cabasho ka dhan ah Xamse u gudbiyey RW Xamse.
Fiqi ayaa ku eedeeyey agaasime Dhuxulow inuu galay howlo ka baxsan waajibaadkiisa shaqo, uuna u gacan dhaafay shaqadii Wasaaradiisa ee la xiriirta macaamilka iyo la socodka diblomaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay Muqdisho.
Warqadan digniinta ah ayaa weji gabax ku noqotay Mustaf dhuxulow oo muddadii gaabneyd ee uu joogay heyadda socdaalka ku dhaqaaqay talaabooyin qaldan oo u muuqda inuu ku jahwareeray Maamulka heyadda socdaalka.
Agaasime Dhuxulow ayaa mudada gaaban ee joogo heyadda socdaalka caadeystay safiirada dalalka shisheeye iyo wakiilada heyadaha caalamiga ah, waxaana xusid mudan in agaasimeyaashii ka horeeyey aysan la kulmi jirin safiirada iyo wakiilada heyadaha shisheeye.