Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Max’uud ayaa sheegay in goob dagaal hadii la joogo marba in qolo laga la riixo ay tahay wax caadi ah, isagoo u muuqda inuu ka hadlayey dagaalka Aadan yabaal lagu qabsaday inkastoo uusan soo hadal qaadin.
“Dagaal guud ayuu dalku ku jiraa, waan ku adkaanay, walina waa socdaa, Goob dagaal sida caadiga ah mar waa lagu riixaa marna adaa wax riixaya, wax dagaal ah oo lagu jabay ma jiro. Mararka qaarkood haddii nagala adkaado oo nalasoo daba kacaa, taas macnaheedy ma ahan dagaalkii waa lagu fashilmay. Yaan la niyad jabin” ayuu Yiri Madaxweyne Xassan
“Ninka Siyaasiga ah ee Al shabaab in laga adkaado diidan dadka Soomaaliyeed ayaan u bandhigaynaa, doorashadii aan ku soo baxay in dib loogu laabto waa laga fiican yahay, mar sedexaad lagu dooran maayo hadii la i dhaho bartaas ayaan ka baxaa” ayuu intaas ku daray Madaxweynaha.
Xasan Shiikh ayaa maanta hadalkan ka jeediyey xiritaanka Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo ka dhacday magaalada Muqdisho isagoo dhinaca kale soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga.
Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii aan la dhammaystirin hannaanka dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarinaya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay’ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran dalkeenna oo dagaal kula jira argagixisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaaliyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaayeen dadkeennu, isuna soo bahaysteen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda.
Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.