Suuqa Hayat Market ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Super Market-ka ugu fiicnaa sanadkii 2024 ee ganacsiyada Soomaalidu ku leedahay Sideeda wadan ee ku bahoobay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) kuwaasoo kala ah: Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Soomaaliya, Tanzania, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan & Uganda.
Abaalmarintan East Africa Somali Awards ee la siiyey Hayat Market oo sanadkiiba mar la bixiyo ayaa waxaa soo qabanqaabisay Somali Magazine, waxaana masuul ka socday Suuqan lagu guddoonsiiyey munaasabad weyn oo xalay ka dhacday magaalada Nairobi taasoo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan dowladaha Somalia & Kenya, ganacsato iyo qeybaha bulshada.
“Haddii aan nahay Hayat Market waxaan aad ugu faraxsan nahay Guul weyna inoo ah in bulshada Soomaaliyeed ay noo gartaan inaan nahay Super Market-ka ugu adeega wanaagsan Soomaalida ee ku yaalla Sideeda wadan ee ku bahoobay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana balanqaadeynaa inaan sii xoojino adeega ay codkooda nagu siiyeen bulshada Soomaaliyeed oo sidoo kale aan uga mahad celinayno taageerada ay na siiyeen” ayuu yiri masuul u hadlay Hayat Market.
Waxaa Sidoo kale Munaasabadan abaal-marino lagu gudoonsiiyey shaqsiyaad metelayey heyaddo ganacsi oo kala duwan, Xarumo iskugu jira kuwo waxbarasho, Caafimaad, Cilmi baaris, Shirkado bixiya adeegyo kala gedisan iyo shaqsiyaad kaalimo kala duwan kaga jira bulshada Soomaalida ee geeska Afrika.
Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlada Somalia Dr. Maxamed Xassan Maxamed, Safiirada Somalia u jooga dalalka Kenya iyo Ugandha Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Fardowsa Maxamed Qanyare, Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Kenya oo ay ka mid yihiin Faarax Macalin & Maxamed Caddow iyo waliba xubno kale ayaa Waxaa Munaasabadan ka qeyb galay.
Masuuliyiintan oo lagu maamuusay bixinta abaal marinada lagu guuleystay ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka bariga afrika ku amaanay horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsadeen iyo sida mar walba heeganka ugu yihiin iney u adeegaan bulshooyinka Geeska Afrika, waxayna u hambalyeeyeen dhaman guuleystayaashii abaal marinada la gudoonsiiyey & dhiirigelinta ay u sameysay East Africa Somali Awards.
Suuqa hayat Market oo ah Super marketka ugu weyn Somalia oo laga heli karo adeeg kasta oo nolosha taabanaya ayaa xaruntiisii ugu horeysay waxaa laga daah-furay magaalada Muqdisho 22-kii Apriil sanadkii 2020, waxaana shantii sano ee ka dambeysay uu ku talaabsaday horumar baaxad leh oo keenay in xarumaha Suuqa la gaarsiiyo ilaa shan qeybood oo magaalada ku baahsan, iyadoo masuuliyiinta Hayat Market ay sheegeen iney mustaqbalka dhow ay u qorsheysan tahay iney xarumo cusub ka furaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA