Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay saaka waaberigii Al Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka oo lagu qaaday dhowr jiho oo ku billawday qaraxyo ayaa sababay dagaal xooggan oo labada dhinac ah, waxaana ciidanka dowladda laga fara maroojiyey gacan ku heyntii Aaden Yabaal.
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa la sheegay iney haatan ku sugan yihiin duleedka degmada Aadan Yabaal, iyadoo xoogaga Al shabaab ay joogaan bartamaha magaalada.
Dagaal dhowr jeer la isku laalaabtay ayaa waxaa labada dhinac ka soo gaaray khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan inastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.
Isgaarsiinta degmada Aadan Yabaal ayaa tan iyo saaka hawada ka maqan, waxaana adag iyo xog faahfaahsan laga helo dagaalka oo weli ka socda gudaha iyo hareeraha degmadaas.
Xaalada degmada Aadan yabaal ayaa cakiran, iyadoo weerarkan oo u muuqda mid al shabaab ay muddo badan qorsheyneysay uu dhabarjab ku yahay dagaalka ay DF kula jirto Al shabaab.
Degmada Aadan Yabaal ayaa ah meel muhiim u ah howlgalka dowladda, iyadoo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay qabsadeen bishii December ee 2022. Waxaana magaaladaasi lagu tilmaamaa mid istiraatiiji ah, maadaama ay u dhowdahay wadada isku xirta gobollada dhexe iyo caasimadda Muqdisho.