Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo Trump ku eedeeyey inuu burburinayo Mareykanka

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka jeo Biden ayaa khudbadiisii ugu horeysay tan iyo intii uu xafiiska ka tagay ku dhaleeceeyay habka uu wax u wado madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.

Biden oo khudbad ka jeedinayay shir ka dhacay Magaalada Chicago ayaa ku eedeeyay Trump inuu burburiyay waaxda caymiska ee bulshada Maraykanka.

Sidoo kale jeo Biden wuxuu sheegay in dhimista shaqaalaha federaalka ee uu hormuudka ka yahay Elon Musk oo ah saaxiib ganacsi ee Trump kana madax ah Waaxda Hufnaanta Dowladda (DOGE), ay sababeyso “burbur aan horay loo arag.”

Dhinaca kale, Warbaahinta CNN ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in maamuulka madaxweyne Trump ay ka fikirayaan sidii loo xidhi lahaa in ka badan 30 Safaaradood iyo Qunsuliyadood oo uu Maraykanku ku lee yahay waddamada Caalamka gaar ahaanna Afrika iyo Aasiya.

Safaaradaha Warbixinta ku xusan waxa ku jira ta uu Maraykanku ku lee yahay Soomaaliya iyo ta dalka Ciraaq.

Safaaradaha la xiro waxa shaqadooda loo wareejinayaa kuwo dalalka jaarka ah oo dadku ka doonan doonaan wixii ay hawl uga baahan yihiin.

Arrinkan ayaa sii xoojinaya dooddii dhawaan lagu galay aqalka cad ee daarannayd in la xidho safaraadda Maraykanka ee Muqdisho isla markaana uu Maraykanku u soo guuro dhinaca Somaliland gaar ahaanna magaalada Berbera.

Related posts

Go’aano Adag oo laga soo saaray Shirkii Taliyeyaasha AMISOM u socday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Israa’iil oo duqeeyay kumanaan qof oo safaf ugu jiray raashiin gargaar ah

Caydiid Ali

Maxkamada Sare ee Ciidamada Puntland oo xukuno dil ah ku riday Saddex nin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---