Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in uusan qeyb ka noqon doonin gogosha uu madaxweyne Xasan Shiikh ku marti-qaaday dowlad goboleedyada dalka.
Madaxweyne Siciid Deni oo shalay Boosaaso kulan kula yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa xubnahaasi u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Shirka madaxweyne Xasan Shiikh iclaamiyay, oo Deni ku tilmaamay mid aysan ajandiisa caddayn.
Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu rumaysan yahay in Villa Somalia aysan rabin shir loo dhan yahay oo ku saabsan xallinta dhammaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo qeybsiga mashaariicda lagu helo magaca Soomaaliya.
Diidmada ka timid Puntland ayaa imaanaysa xilli ay dhawaan Villa Somalia shaacisay shir wada-tashi oo ay ku sheegtay u midoobista la-dagaallanka argagixisada, halkii laga filayay in ay ku dhawaaqdo shir siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafka jira.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com