Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhigyo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen qeybo kamid ah degmada Aadan Yabaal, waxaana qaraxyada kaddib halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.
Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka , ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka kooxda Al Shabaab ayna saacado la dagaallameen, waxaana wali lasoo sheegayaa in qeybo kamid ah magaalada iyo duleedkeeda ay rasaas ka socoto.
Warar soo baxaya , ayaana sheegaya in kooxda Al Shabaab la wareegeen degmada Aadan Yabaal dagaal saacado qaatay kaddib, ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaana lasoo sheegayaa in ay ku sugan yihiin duleedka degmada.
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , ayaa lasoo tabinayaa in ay ka dhasheen weerarka kooxda Al Shabaab ku qaadeen degmada Aadan Yabaal, lamana oga ilaa hadda khasaaraha inta uu la egyahya, waxaana adag in xog badan laga helo aagga dagaalka.
Saraakiil iyo ciidamo , ayaana wararku sheegayaan in wali ku go’doonsan yihiin qeybo kamid ah degmada Aadan Yabaal, halka warar kalana sheegayaan in Al Shabaab nolol ku qabsadeen askar iyo saraakiil ciidan, inkastoo aan warkaasi la xaqiijin.
Dowladda Soomaaliya, ayaan wali ka hadlin weerarkan xooggan ee Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Aadan Yabaal, waxa uuna weerarkan maanta imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya isku diyaarineysay in weerar ku qaadaan deegaano iyo degmooyin kale oo Al Shabaab heesteen.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com