Faahfaahino dheeraad ah , ayaa kasoo baxaya weerar ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland, shalay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose, oo la sheegay in ay ku sugnaayeen saraakiil iyo xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.
Ciidanka huwanta ah ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulooyinka Harari Balle, iyo Dhalajo, oo hoostaga degaanka Awoodin ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarkaasi lagu beegsaday saraakiil sar sare oo katirsanaa Al Shabaab oo halkaasi shir ku lahaa.
Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland, ayaa baahiyay in ciidanka Danab iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay heleen xog sirdoon ayna u suurto gashay in ay ka dul dhacaan goobihii ay joogeen saraakiisha kooxda Al Shabaab, halkaasna ay ku gumaadeen.
Waxa uu baahiyay Tv-ga Jubbaland in howlgalka ciidanka fuliyeen lagu dilay xubno ay kamid yihiin guddoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose Xasan Muudey, horjooge Macalin Ibraahim, horjoogaha guud ee deegaannada ee Wayanta Cali Dudiye, horjooge Maxamed Yare.
Ciidamada huwanta ah , ayaa sidoo kale la sheegay in howlgalka ku dileen dagaallamayaal badan oo katirsanaa ilaalada saraakiisha la dilay, waxaana howlgalkan la tilmaamay in uu kamid ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Al Shabaab lagu gaarsiiyo gobolka Jubbada Hoose.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com