Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab, ayaa saakay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhigyo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ayaa salaadii subax kaddib qaraxyo ku weerartay saldhigyo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen Aadan Yabaal, waxaana qaraxyada kaddib hadana kooxda soo qaadeen dagaal toos ah.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka , ayaana dagaal adag kala hortgay kooxda Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday, waxaana lagu soo waramayaa in uu socdo dagaal culus oo labada dhinac ku dhax maraya duleedka degmada Aadan Yabaal iyo qeybo kamid ah degmada.
Dagaalka waxaa guulo ka sheegtay labada dhinac, kooxda Al Shabaab ayaana sheegtay in ay la wareegeen saldhigyadii ay weerarka ku qaadeen ayna dileen ciidamo badan oo katirsan dowladda , halka saraakiil katirsan dowladda iyana sheegeen in ay iska caabiyeen weerarka Al Shabaab.
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya labada dhinac ayaa lasoo warinayaa in ay jiraan, waxaana adag in si dhab ah loo ogaado xaalada degmada Aadan Yabaal iyo duleedkeeda, waxaana hawada ka maqan isgaarsiinta aagaasi.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com