Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo lacag Balaayiin dollar ah ka jaray Jaamacad diiday amarkiisa

Maamulka Trump ayaa sheegay inuu hakiyay in ka badan $2 bilyan oo doollar (oo u dhiganta £1.5 bilyan) oo ka mid ah lacagaha federaalka ee loogu talagalay Jaamacadda Harvard, saacado un kadib markii jaamacaddan heerka sare ah ay diiday liis amaro ah oo uga yimid Aqalka Cad.

Aqalka Cad ayaa toddobaadkii hore u diray Harvard liis ay ku sheegtay inuu loogu talagalay la dagaalanka naceybka Yuhuudda lagu hayo (antisemitism) ee ka jira xarunta jaamacaddaas, sida u uku eedeeyey. Liiskaasi waxaa ku jiray isbeddelo lagu samaynayo shaqaalaynta, aqbalidda ardayda cusub iyo habka waxbaridda.

Tan iyo markii Donald Trump dib loo doortay, dowladdiisu waxay isku dayaysay inay dib u qaabeyso jaamacadaha heerka sare ah iyadoo ku hanjabtay inay joojinayso maalgelinta federaalka, taas oo badankeed lagu bixiyo cilmi-baadhista.

Harvard ayaa noqotay jaamacaddii ugu horreysay ee weyn ee Mareykan ah oo si cad u diidda amarrada maamulka Trump, iyadoo ku eedeysay Aqalka Cad inuu isku dayayo inuu “xakameeyo” bulshada jaamacadda.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaflad dhalasho oo ka socotay magaalada Dadeville oo Dhimasho iyo Murugo isku bedeshay

Cabdi Cade

Dal caan ah oo bilaabay xeelad yaab leh oo lagu ogaanayo dadka qaba COVID-19

Caydiid Ali

Dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo Shir laga yeeshay (Sawirro) 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---