Allbanaadir.com
NEWS

UK oo kordhisay kaalmada heyadada amniga Somalia

Dowladda Boqortooyada Midowday ee UK ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay $3.9 milyan ku kordhisay kaalmada ay siiso Sanduuqa Taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

Sanduuqan waxaa maamusho Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Sanduuqan ayaa hadda taageera 18,900 oo askari oo ka kala tirsan Ciidamada Milatariga iyo Booliska Soomaaliya.

Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo laf dhuun gashay ku noqotay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Sanadkii 2024, taageerada UK ayaa sababtay in 6,000 tan oo raashin ah iyo 2,000 tan oo shidaal ah la gaarsiiyo ciidamada, iyadoo sidoo kale lagu guuleystay in boqolaal askari oo ku dhaawacmay dagaallada laga daadgureeyo goobaha ay wax ka dhaceen.

Related posts

Messi oo Go’aan Wadnaha jaray u gudbiyay Barcelona iyo Jawaab lama filaan ah oo la siiyay

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Madax goboleedyada

Caydiid Ali

Musharaxiin go’aan kaga Dhawaaqay Kismaayo & amaro laga soo saaray ergayda ay Al-Shabaab u…

admin
Taboola Ads ---