Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Ciro kala hadlay Guillaume Fonkenell & wafdigiisa?

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxda ugu sarraysa Hay’adda Pharo Foundation, oo ah Hay’ad ka shaqaysa arrimaha horumarka aadamaha, gaar ahaan xagga Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Biyaha iyo Degaanka.

Xafiiska Guud ee Pharo Foundation waxa uu ku yaallaa dalka Ingiriiska, xarumo hawleedna waxa ay ku leedahay dalalka Somaliland, Itoobiya, Kenya iyo Rwanda.

Xagga Hay’adda Pharo Foundation waxa ka socday: Guillaume Fonkenell iyo Farah Jirde (oo ah aasaasayaasha), Tom Mason CEO, Mohamed Muse Elmi Country Director, Mohamed Farah Pharo Ventures Technical Advisor, Khalid Esa Head of Pharo Ventures.

Ujeeddada guud ee kulankani waxa uu ahaa sidii ay Somaliland iyo Hay’adda Pharo Foundation ay isaga kaashan lahaayeen maal-gelinta iyo hirgelinta wax-soo-saarka beeraha dalka iyo kobcinta sugnaanshaha cuntada.

Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweeyey la-kulanka madaxda Pharo Foundation waxaana uu u sheegay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay soo jiidashada iyo la-shaqaynta cid kasta oo si dhab ah u maal-gashanaysa Beeraha, Xoolaha, Macdanta iyo Khayraadka kala duwan ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

Madaxwaynuhu waxa uu masuuliyiinta Hay’adda Pharo Foundation u sheegay in maalgashiga beeraha iyo biyo-qabatinka dhul-beereedyada dalka ay tahay tallaabo istiraatiji ah oo muhiim ah oo caddaynaysa sida ay Somaliland uga go’an tahay in ay si daah-furan ula shayso maal-gashadayaash, si Qaran ahaan loo hiigsado horumar waara iyo sugnaansho cunto.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee habka wax-beerista casriga ah iyo hababka biyo-qabatinka asriga ahi ay ka qaadan karaan dib-u-soo-noolaynta dhaqaalaha bulshada deegaanka, horumarinta sugnaanshaha cuntada, iyo weliba in si dhab ah loo xaqiijiyo ilaalinta deegaanka ee mustaqbalka fog.

Iyaguna dhinacooda, madaxda sare ee Hay’adda Pharo Foundation waxa ay Madaxweynaha si weyn ugaga mahad naqeen soo dhaweynta,  qaabilaada iyo suurto-gelinta kulankan muhiimka ah. Sida oo kale, waxa ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen guusha doorashadii Madaxtooyada iyaga oo Somaliland aad ugu ammaanay nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga qaan-gaadhka ah ee ka hirgalay Somaliland.

Madaxda Hay’adda Pharo Foundation waxa ay sheegeen in ay  Xarunta Qasriga Madaxtooyada ay u yimaaeen si ay Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadiisa ugala hadlaan Mashruuca Beeraha oo ah kii ugu weynaa uguna dhaqaalaha badnaa ee ay Hay’adaha Pharo Foundation ay ku talo jiraan in ay Somaliland ka hirgeliyaan ilaa hadda.

Waxa ay sheegeen in iskaashi dhex mara iyaga iyo Dawladda Somaliland ay ka leeyihiin hammi iyo himilo fog oo waxtar leh dalka Somaliland, taasi oo horseedi doonta in horumar iyo faa’iidooyin badan laga gaadho Biyo-qabatinka iyo Beerista Mashaariicda Beeraha. Waxana suurto gal noqon doonta in si casri ah oo raasamaal leh loo xidho biyaha isla markaana la kaydiyo biyo baaxad leh, laguna waraabiyo dhul-beereedka, iyada oo la adeegsanayo farsamooyinka casriga ah ee wax loo beero, sidoo kalena la ilaalinayo degaanka.

Related posts

Ciidan cusub oo sugaya amniga magaalada Muqdisho oo la dhaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay dalka Jarmalka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Xabaal wadareed weyn oo laga helay goob ay ka baxeen ciidanka Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---