Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiistii laga sii daayey Laascanod oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa galabta casar gaabadkii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay 25 maxbuus uu maamulka SSC-Khaatumo ku wareejiyay  Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo tan iyo sanadkii 2023 ku xirnaa xabsiyada gobolka Sool.

Maxaabiistan ayaa waxaa la socday Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macalin, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Cabdiqaadir.

Soo deynta maxaabiistan ayaa timid kaddib socdaalkii nabadda iyo midnimada ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu dhawaan ku tegay magaalada Laascaanood.

Maxaabiistan oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ayaa la filayaa in maalmaha soo soo socda loo duuliyo magaalada Hargeysa si ay qoysaskooda ula midoobaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRO

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo amar ku siisay Simon Mulungo in dalka uga baxo mudo 7 Maalin ah

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo lagu hor dhaariyey Wasiiro uu shalay Magacaabay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Joe Biden ka aragaxay dil loo geestay wiil lix sanno jir Falastiini ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---