Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo abaabul ka wada degaanka Sumadaale (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo wado dardargelinta iyo abaabulka howlgalka ka dhanka ah Al shabaab ayaa booqday aagga Sumadaalle oo ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa goobta kulan kula qaatay saraakiisha waxaana lagu gorfeeyay sida ay suuragal ku tahay duullaan mid ah oo lagu qaadoal shabaab

“Waxaan ku kalsoonahay xeeladda iyo tababarka aad qabtaan. Khawaariij iyo Khawaarij kalkaal waan ka adkaaneynaa maalmaha soo socda haddii uu Alle idmo.” ayuu yiri Cali Guudlaawe

Hirshabeelle ayuu sheegay iney ka go’an tahay in lagu wiiqo awood walba ay isugu keentay Al shabaab

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay saraakiisha ciidamada iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran: “Waa keli-talisnimo in dalku Xukuumad la’aan ahaado 53 cisho”

Caydiid Ali

Danjire James Swan oo War cusub ka soo saaray sida ay ku socoto doorashada Somalia

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee QM oo ka shiray xaalada Somalia oo ay ku jirto Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---