Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah Maxaabiista u xirnaa colaadihii gobolka ka dhacay sanadkii 2023 kuwaasi oo loo qaaday magaalada Muqadisho.
Talaabadan ayaa ayaa timid kadib markii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xamsa Cabdi Barre uu gobolka Sool ku gaaray safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.
Maxaabiistan dayuurada lagu soo qaaday ayaa waxaa la socda afar wasiir oo qeyb ka ahaa wafdigii RW Xamse ee laascanood booqday waxaaana marka ay soo gaaraan Muqdisho maxaabiistan loo duulinayaa magaalada Hargeysa.
Maamulka Khaatumo, ayaana faahfaahin dheeraad ah waxa ay ka bixiyeen cidda ay yihiin maxaabiista Somaliland laga hayo ee la sii daayey iyo waxa lagu xulay, waxa ayna sheegeen in maxaabiista lasii deynayo yihiin kuwa daruufo gaar ah heestaan.
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar, ayaa shaaciyey in dhammaan maxaabiistaani la sii deynayo aysan ahayn kuwa heshiis nabadeed ku baxaya, haseyeeshee lagu sii dayn doono duruufo bini’aadannimo sida uu hadalka u dhigay.
“Maxaabiista la sii daynayo, maahan kuwa heshiis iyo maxaabiis is dhaafsi ku baxayam waxaa lagu sii daynayaa arrimo bini’aadannimo, kuwaasi oo dhammaan qaba duruufo gaar ah”, Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Maamulka SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar.
Maamulada Somaliland iyo Khaatumo, ayaa maxaabiis badan ku kala qabsaday dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaana maxaabiista lakala heesto ku jira saraakiil iyo dad kale oo labada dhinacba caan ka ahaa.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA