Allbanaadir.com
NEWS

Ajaaniib katirsan kooxda Daacish oo isku soo dhiibay ciidanka Puntland

Ciidanka difaaca maamulka Puntland, ayaa maanta soo bandhigay labo nin oo ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaallanta buuraha Calmiskaad, kuwaa oo kasoo goostay kooxdii ay katirsanaayeen.

Labada nin ee isku soo dhiibay ciidamada Puntland oo u dhashay Itoobiya ayaa magacyadoora lagu sheegay Nuersaen Lamlmu Hisen, 23 sano jir, magaciisa xarakiga ah yahay (Xudeyfa) iyo Abraham Sielshe Zlaka , 25 sano jir , oo isna magaciisa kooxda uu ahaa (Cismaan) .

“ Raggab waxay qirteen in ay ka tirsanayeen Argagixisada Daacish, laakiin duruuftu ku adkaatay, iyagoo iska soo dhiibay deegaanka Labaaxdile ee ka tirsan degmada Ufeyn, ragam waxaa hadda lagu hayaa magaalada Boosaaso, waxaa gacanta ku haya taliska Booliska ee gobolka Bari” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Ciidanada Puntland , ayaa hadda isku diyaarinaya howlgal lagu soo afjarayo kooxda Daacish ee wali ku sugan qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari , waxa ayna Puntland ku hanjabtay in ay qaadayaan howlgallo culus oo cir iyo dhul ah .

Screenshot

Related posts

(Daawo Sawirro) Wasiir Ducaale oo tababar u furay dhalinyaro ku soo biirtay Saraakiisha Booliska

Caydiid Ali

Dowlad daris la ah Soomaaliya oo sameesaneysa Baro Bulsho oo ugaar ah

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo cadeysay sababaha dalka looga ceyriyey safiirka Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---