Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo Muqdisho kusoo laabtay lana soo dhaweeyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo .

Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii la socday ayaana maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa,oo 12–kii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood, ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & rabshado xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay sababta uu ku diiday madasha xisbiyada Qaran

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Laftagareen & Mukhtaar Roobow?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---