Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa si rasmi ah u daah-furay Isdiiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada oo maanta ka bilawday Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho, asigoona noqday muwaadinka 1-aad ee is diiwaan-geliyay.
Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan Degmada Shangaani ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay isdiiwaan-geliyaan si ay codkooda ugu ciil baxaan, go’aanna ugu gaaraan cida ay hogaanka u dhiiban lahaayeen.
Doorashada qof iyo cod ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku celcelineyso in ay qabaneyso, ayaa waxaa kasoo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood.