Xubnaha Xarunta La-dagaallanka Maaliyadda Argagixisada ee dalka Mareyanka (TFTC) ayaa cunaqabatayn u saartay 15 xubnood oo ka tirsan AS waxaana lagu eedeeyay in ay ka shaqeynayeen ururinta lacagaha, farsameynta qaraxyada (IEDs), iyo falal kale oo lagu taageerayo argagixisada.
TFTC, oo la aasaasay 2017, waxay ka kooban yihiin Mareykanka iyo dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ee Baxrayn, Kuwait, Cumaan, Qatar, Sacuudiga, iyo Imaaraadka. Ujeedkoodu waa la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyadoo loo marayo cunaqabateyn, wadaagista xogta, iyo tababarro kor loogu qaadayo awoodda hay’adaha.
15-ka qof ee la cunaqabateeyay waxay ka shaqeynayeen gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe. Waxaa lagu eedeeyay inay dadka maxalliga ah si qasab ah uga ururiyeen lacagaha, xoolaha, iyo inay gaysteen afduub iyo xukuno sharci-darro ah oo ay fuliyeen.
Ujeedada cunaqabateyntan waa in laga jaro argagixisada marinada dhaqaale ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Xubnaha beegsaday oo haaya xilal kala duwan waxaa ka mid ah:-
1- Xasaan Abshir Xuurow oo ah Sargaal sare oo Sirdoon iyo maaliyadeed ah oo ka tirsan kooxda Al Shabaab, isaga xoolo si khasab ah uga qaadi jiray dadka deggan hareeraha Kismaayo.
2- Mumin Dheere oo ah Ku-xigeenka Amiirka Willaayadda, Jubbada Hoose ee Soomaaliya.
3- Macalin Burhaan oo ah Taliyaha Xisbadda ee Wilaayadda Gobalka Jubbada Hoose, isagoo xabsiga ku hayaa dad rayid ah oo gaaraya ilaa 80 qof oo uu diiday in la sii daayo.
4-Cali Axmed Xuseen oo ah Amiirka Kooxda Al-Shabaab ee Wilaayadda Shabeellaha Hoose.
5- Maxamed Cali oo ah Taliye 100 dagaalyahan Taliye u ah isla markaana xiriir toos ah la leh Cali dheere, Macalim Burhaan iyo Xuuroow.
6-Axmed Kabadhe oo ah qorsheeye weerarradda ismiidaamin ah.
7- Siyaad Ayuuto oo ah Taliyaha Xisbadda e Al-Shabaab ee deegaannnadda Jubbada Hoose; hore wuxuu u ahaan jiray Amiirka hawl-galadda Magaaladda Kismaayo.
8- Maxamed Cabdullaahi Xiireey Abuu Cabdalla Waaligii hore ee Kooxda Al shabaab ee Gobaladda Jubbooyinka, wuxuuna horey u soo ahaa Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose iyo waaliga degmadda Buula-burte ee Gobolka Hiiraan haatanna waa Taliyaha Howl-gelinta Goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
9- Cabdi Roobow oo ah Taliye sare oo qorsheeyay qaraxyo iyo weerarro ka dhacay degaanka Cabdalle Biroole, lana kaashaday Cali Dheere
10- Aadan Jiis oo ah Taliyaha xisbadda ee gacanta ku haysa xarunta dhexe ee xabsiga
11- Aadan Yuusuf Saciid Ibraahim oo ah Ururiye Lacageed
12- Xassan Yariisow Aadan oo ah Taliye Ururiya lacagaha Gobalka Shabeellaha Hoose.
13- Siciid Cabdullaahi Aadan oo ah Khabiir farsameeya qaraxyadd, sidoo kalena ah lacag Ururiye.
14- Sh. Aadan Abuukar Malayle oo ah Maamule lacagaha Shacabka la soo ururiyo.
15- Cumar Guhaad oo ah Taliye sare oo Kooxda Al Shabaab u aruuriya lacaga qabiilladda