Al-Shabaab ayaa baneysay degmooyinka gobolada Bay iyo Bakool ee degaanada Koonfur galbeed Somalia, iyadoo ay meesha ka baxday cunoqabateyntii dhinaca ganacsiga aheyd ee saarneyd inta badan degmooyinkaas
Qansaxdheere, Diinsoor, Xuddur, Ufurow iyo Waajid ayay kooxda Alshabaab ka qaaday cunaqabatayn dhawr iyo toban sano jirsatay. Degmooyinkaas ayaa ku kala yaalla labada gobol ee Baay iyo Bakool ee Dawladgoboleedka Koonfurgalbeed.
Cunaqabataynta ayaa ahayd in magaalooyinkaasi aysan geli karin kana soo bixi karin nooc kasta oo gaari ah, ha noqdaan kuwa rakaab ama ganacsi ama shaqsiyeed. Cirka ayuunbaa u furnayd dadkaas iyo degmooyinkaas.
Shacab fara badan oo dabaaldegaya xanibaada la qaaday ayaa iskugu soo baxay degmooyinkaas iyagoo u dabaaldegaya kuna faraxsan iney ka baxeen go’doomintii lagu hayey oo si weyn u saameysay noloshooda.
Haddaba, kooxda Al shabaab maxay toban sano kadib u qaaday go’doominta degmooyinkaasi?
In kooxdu ay qaaday go’doominta degmooyinkaasi kuma iman heshiis ama naxariis ay samaysay ee waa arrin ku timid qasab iyo duruuf. Kooxda ayaa dareentay culays xaga furimaha ah, midaas oo qasab ku noqotay inay u baahato dagaalyahannadii kaga sugnaa gobollada Baay iyo Bakool sida ay qabaan saraakiil ka tirsan Sirdoonka Somalia
Billowga sannadkan ayay kooxda Al Shabaab soo qaaday guluf dagaal. Galbeedka Hiiraan iyo webiga Shabeelle iyaga oo ka soo gudbaya ayay soo weerareen deegaanka Beeryabaal. Tani waxay ahayd furintooda koowaad. Qorshaha ayaa ahaa inay Aboorey qabsadaan oo Yasooman u gudbaan oo Moqokori qabsadaan oo sidaa ku sii socdaan illaa ay u tagaan dagaalyahannada muddada labada sano ku go’doonsan galbeedka Galguduud. Sidoo kale, halkani waxaa ku jirta inay Aadanyabaal qabsadaan. Taasi waa u socon wayday oo iska caabin xooggan ayay la kulmeen.
Markani waa ay aag beddesheen. Gobolka Shabeellaha Dhexe ayay haddane furin labaad ka fureen. Ceelbaraf, Burshiikh, Masjid Cali Guduud iyo deegoomo dhawr ah ayay qabsadeen oo ay ku dhawaadeen Aadanyabaal. Dawladda ayaa se xoojisay difaaca Aadanyabaal, duqaynna raaxo uga dhigtay dagaalyahannadii isku soo fidiyay deegaannadaas. Kooxda AS ayaa ku qasbanaatay inay haddane furin kale ka furaan Shabeellaha Hoose oo ay culayska dagaalyahannadooda Shabeellaha Dhexe ka yareeyaan, Muqdishane culays saaraan. Tanne waa ay shaqaynwayday. Kooxda ayaa markani dib ugu laabatay aaggeedii koowaad ee Beeryabaal iyo Bariga Hiiraan.
Maalmihii la soo dhaafay dagaallo xooggan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Aboorey oo ku yaalla bariga Hiiraan. In ka badan isbuuc ayaa lagu dagaallamayaa. Waxaa muuqata inay kooxdu ku mintidayso deegaankaasi. Sababta kooxda ugu mintidayso ayaa ah in Aboorey ay u dhaw dahay Yasooman oo leh buuro iyo hawd ay kooxdu gali karto. Haddii ay gashane ay weerari karto Moqokori oo ah aag ay dawladdu ka difaacdo degmada qadiimiga ee Aadanyabaal.
Beeryabaal waa halka dhaawacyada kooxdu gaysato oo ay taakulaynta iyo saadka uga gayso furinta Aboorey. Beeryabaalne waxaa u dhow Jiciboow oo ah halka ay kaga soo gudbaan webiga iyo galbeedka Hiiraan. Haddaba, si kasta oo ay awooddooda iyo taakulayntooda u dul dhigeen Abooreey, waa ay ku dhiigbaxeen kooxdu.
Hadda waxaa weerar ah kooxda AS, dawladduna waa difaac. Halkaas marka ay arrini joogto waxa ay dawladdu adeegsatay isla shaxdii ay AS adeegsatay 2022-2023, marka ay Dawladdu weerarka ahayd, AS-na difaac ahayd. Midaas oo ah in wakhtiga lagu dheereeyo oo la dhiigbixiyo qoloda weerarka ah. Kooxda ayaa u muuqata inay doonayso inay degdeg guul ku gaaraan oo ay buuraha iyo hawdka Yasooman galaan. Halka Dawladduna wakhtiga iyo qasaaraha iyo energy-ga ka dhamaynayso kooxda.
Gobolka Hiiraan waxa uu xuduud la leeyahay Baay iyo Bakool. Waana sababta dagaalyahannada loogu qaaday dhanka Hiiraan. Kolkaa waxay kooxdu ka fekertay inay hal dhagax laba shimbir ku dilaan. Kow, inay dagaalyahannada Baay iyo Bakool ay Hiiraan geeyaan. Labo, inta waddada iyo go’doominta degmooyinka Baay iyo Bakool ay si dabiici ah isaga furmi lahayd inay kiridhid iyo heshiis ku furaan oo ay ka dhigaan wax ay iyagu fureen inta ay isfuri lahayd.
Si kastaba, beesha Xawaadle iyo ciidanka xoogga dalka ee Hiiraan jooga waxaa imika dul jooga jabhaddii Hiiraan, tii Baay, iyo tii Bakool. Waa culays iyo tabar kale oo ay markani tijaabinayso kooxda AS. Waxaa se markan oo kale habboon in koonfurgalbeed ay furin ka furto Baay iyo Bakool, si culayska uga yaraado Hiiraan.
Aw-Dacar