Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdiye), ayaa dhagax dhigay Mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.
Mashaariicda uu Ra’iisul Wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood ,iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood oo isugu jira xarumo Waxbarasho iyo Caafimaad, kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo ay ka hirgaliso mashaariic waaweyn oo lagu hormarinayo adeegyada bulshada.
Shalay ayuu sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa waxaa uu Magaalada Laaacaanood ka dhagax dhigay ilaa siddeed mashruuc oo hirgalintoodu ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada deegaanka, halka uu daah-furay xarunta qaadashada Kaarka Muwaadinka ee (Natinal ID).
HOOS KA DAAWO SAWIRADA