Allbanaadir.com
NEWS

Shir Qaran oo nuuciisu cusub yahay oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka, kaaas oo markii ugu horreysey Soomaaliya lagu qabanayo.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka oo shirka ka hadlay, ayaa sheegey in maalmaha uu socdo diiradda lagu saarayo kaalinta Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta, ilaalinta, iyo kor u qaadidda xuquuqda aadanaha.

Waxa uu sidoo kale dul-istaagay in tani ay fursad u tahay in la isdhaafsado aragtiyo wax-ku-ool ah, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hey’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo beesha caalamka, si wadajir looga shaqeeyo dhismaha mustaqbal ku dhisan caddaalad, sinnaan, iyo xurmeyn buuxda oo la siiyo xuquuqda aadanaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qeybgalay qaar ka mid ah safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Booliiska Muqdisho oo lacag dul dhigay labo nin oo baxsad ku jiray

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah dhaawacyada qaraxii Baladweyne oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkii Mideynta Galmudug & Ahlu Sunna oo lagu soo gebagebeeyey Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---