Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa si kulul u cambaareeysay falal ay ku kaceen kooxda RSF ee ka dagaallanbta dalka Sudan, kuwaa oo horey loogu eedeeyay in dowladda Imaaraadka Carabta in ay si weyn u taageerto una hubeyso.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowkadda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu cambaareeyay weerar la sheegay in kooxda RSF ka geesatay deegaanno hoostaga magaalada El Fasher, halkaas oo la sheegay in RSF ku laayeen dad badan oo shacab ah.
Imaaraadka ayaa warka ay soo saareen ku caddeeyay in ay kasoo horjeedaan waxyeeleynta dadka shacabka ah, waxa ayna wax laga naxo oo laga xumaado ku tilmaameen weerarka la sheegay in RSF ka geesteen xeryo dad barakacayaal ay ku noolaayeen oo kutaalla magaalada El Fasher ee gobolka Darfur.
Hadalkan cambaareynta ee kasoo baxday dowladda Imaaraadka , ayaa kusoo aadaya xilli dawladda Suudaan ay gaysay maxkamadda ICC , dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta oo lagu eedeyay inay RSF ku taageerreen weerarro xasuuq ah oo dad rayid ah lagu dilay.
Imaaraadka Carabta, ayaana horey loogu eedeeyay in ay si weyn u taageerayeen ciidanka RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan, waxa ayna cambaareynta RSF ee kasoo yeertay Imaaraadka kusoo aadeysa xilli kooxdaasi lagu jabiyay dagaalkii ka socday Khartuum lagana saaray inta badan caasimadda.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com