Allbanaadir.com
NEWS

Qoys Ciidamada amniga u gacan geliyay nin shalau dil ka geestay Muqdisho

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale oo la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen gacankudhiiglaha.

Cabdulahai Cabdi Diinle (Buurane), ayaa dil u geestay Siciid Mustaf Axmed oo la sheegay in ay ahaayeen saaxiibo, ilaa haddana lama shaacin sababta keentay dilkan, ninka dilka geestay ayaana si deg deg ah uga baxsaday goobtii uu dilka ka geestay.

Sida aan wararka ku helnay ninka gacankudhiiglaha ah ayaa gabaad u tagay guri ay leeyihiin xubno ay qaraabo yihiin, hasa ahaatee qoyska wiilkan ayaa la sheegay in ay go’aansadeen in aysan qarin , waxa ayna ku wareejiyeen laamaha amaanka dowladda oo hadda ninkan gacanta ku haya.

Tallaabada ay qaadeen qoyska ninkan dilka geestay ayaana la sheegay in ay soo dhaweeyeen qoyska wiilka laga dilay, waxaana lagu wadaa in maanta qabuuro kuyaalla degmada Dayniile lagu aaso marxuum Siciid Mustaf Axmed oo ku baxay gacanta wiil kale oo ay saaxiibo ahaayeen.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Dab Khasaaro geestay oo ka kacay Suuqa Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Geel badan ugu deeqay Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo shaaciyay halka xal ee looga gudbi karo caqabadaha amni ee dalka ka jira

Cabdi Cade
Taboola Ads ---