Allbanaadir.com
NEWS

Firdhiye oo ka codsaday DFS in ay dhax dhaxaadiso Khaatumo iyo Somaliland

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa ka codsaday Xukuumadda Soomaaliya in ay dhax dhaxaadiso maamulada SSC Khaatumo iyo maamulka Somaliland , oo horey u dhax mareen dagaallo dhiig badan ku daateen.

Firdhiye, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga fadhiyo in ay qaadato door dhax dhaxaadin ah labada maamul ee dariska ah, waxa uuna ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay isku keento wadahadalna u furto labada maamul intii dowlado shisheeye doorkaasi qaadan lahaayeen.

“Xukuumadda Dan-qaran iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaataan doorka hoggaamineed ee nabadda, intii ay dawlado shisheeeye qaadan lahaayeen. Ha isu keen keento oo ha na wada hadashiiso. Wanaag aan waxba ka hoosayn ayaan u rajaynaynaa.” ayuu yiri Firdgiye.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa dhinaca kale ugu baaqay maamulka Somaliland in ay ka shaqeeyaan sidii labada maamul kuwada joogi lahaayeen nabad iyo daris-wanaagnimo aan shuruud ku xirneen.

“Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxa aanu ku baaqnay nabad, welina waan ku taagan nahay. Nabad aanay shuruudi ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u u dhimayso doonistayada,” ayuu yidhi Firdhiye.

Maamulka Somaliland, ayaa si weyn uga soo horjeeday booqashada taariikhiga ah ee Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood oo horey Somaliland u maamuli jirtay, waxa ay sidoo kale Somaliland diidan tahay in Khaatumo loo aqoonsado maamul goboleed.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan fatahaadda wabiga shabelle

Cabdi Cade

Tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaysa

Caydiid Ali

Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---