Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo iska xogwraystay xaaladda guud ee labada dal iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka mahad celiyay soo dhowaynta diirran ee loogu sameeyay qasriga madaxyooyada Jabuuti, ayaa uga mahad celiyay madaxwaynaha Jabuuti kaalinta hagar la’aanta ah ee uu ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in kaalintaas walaaltinimo ay baaqi ku ahaan doonto qalbiyada shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo Guddoomiyaha iyo wafdiga la socda ku soo dhoweeyay salaan gacaltooyo, ayaa guddoomiyaha ku ammaanay kaalintiisa odaytinimo, waddaniyad iyo isku haynta Ummadda Soomaaliyeed oo Qarankooda uu cagta saaray waddadii nabadda iyo barwaaqada.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanka Jabuuti halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ugu horrayn lagu soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee xarunta Baarlamaanka Jabuuti, iyada oo la tusiyay xafiisyada kala duwan ee ay guddiyadu ku shiraan iyo hannaanka ay guddiyadu uga shaqeeyaan howlaha Baarlamaanka.
Intaas ka dib labada guddomiye oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee labada dal, qibrad wadaagga iyo iskaashiga xiriirka labada Baarlamaan, iyadoo intaas ka dib labada Guddoomiye ay is dhaafsadeen Billad sharaf iyo hadiyado kale oo muhiim ahaa kana tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka labada dal ee walaalaha ah, isagoo Guddoomiye Cabdi Xaashi mahad ballaaran u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Jabuuti isaga iyo wafdigii la socday.