Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo balan-qaad culus u sameeyey Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa hadal uu goor dhow soo saaray wuxuu ku sheegay inuu maamulkiisa ka taageerri doono Soomaaliya , sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Sidoo kale uu taageerayo sidii ay barwaaqo u gaari lahaayeen dadka Soomaaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ku taageeri doonnaa sidii loo burburinlahaa argagixisada dalkoona uu barwaaqo u noqon lahaa” ayuu intaas ku daray Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa X ee horey lo oran jiray Twitter.

Waxaa uu markii u horreysay sheegay inay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, saraakiishooda iyo xubnaha dagaalyahannadooda isku dayayaan inay gudaha u galaan Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed waa inaysan u ogolaan Xuutiyiinta inay soo dhex galaan oo ay ku dhex dhuuntaan dalkooda” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump

Trump wuxuu sheegay inuu meesha ka saaray xeerarkii adkaa ee uu dhigay Madaxweyne Joe Biden, taasoo hor istaagtay awoodda buuxda ee ciidamada. Wuxuu sheegay inuu mar kale xoojiyay awoodda ciidamada Mareykanka, sida uu horeyba ugu sameeyay dagaalkii ISIS — koox uu sheegay in la burburiyay saddex toddobaad gudaheed, ayadoo uu hoggaaminayay General Daniel Caine, oo hadda ah guddoomiyaha cusub ee Taliska Sare ee Ciidamada Mareykanka.

Related posts

Duqeymo Al-shabaab loogu geystay degaanka Buulo Fulay oo War laga soo saaray

Caydiid Ali

Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan dhac kusoo batay magaalada

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya & TPLF oo heshiis nabadeed ku gaaray wadahadalkii u socday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---