Allbanaadir.com
NEWS

29 Xildhibaan oo diiday ka qeyb galka Firdhiye ee Shirka Golaha wadatashiga

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo metela deegaan ahaan Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay ka-qaybgalka Madaxweynaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ee Madasha Wadatashiga Qaran (NCC), iyagoo ku dooday in Firdhiye “uusan matalin gobol madax-bannaan” balse uu “ka yimaado qayb ka mid ah gobolka Sool.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo haatan booqasho ku jooga magaalada Laascaanood, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu casuumay Madaxweynaha SSC-Khaatumo, si uu uga qeyb galo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu qabsoomo horraanta bisha May 2025.

Casuumaadda Firdhiye ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa iyadoo shacabka SSC-Khaatumo iyo madaxda maamulkaasi ay si cad u dalbanayaan in SSC si buuxda loogu aqoonsado dowlad-goboleed Dastuuriyan. Arrintan ayaa loo arkaa mid imtixaan adag ku ah Villa Soomaaliya oo weli aan si cad u caddeyn mowqifkeeda.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si cad u beeniyay in uu qeyb ka yahay xildhibaanadii soo saaray warsaxaafadeed ka dhan ah ka-qaybgalka Madaxweynaha SSC-Khaatumo, Abdikhadir Ahmed Aw-Ali Firdhiye, ee Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Mahdi Guuleed ayaa ku tilmaamay wararkaas “been abuur aan sal iyo raad lahayn”, wuxuuna sheegay in uusan waxba ka ogayn bayaankaasi, isla markaana uusan qeyb ka ahayn dadaallada lagu carqaladeynayo ka qeybgalka Madaxweyne Firdhiye ee madashada wadatashiga Qaranka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA XILDHIBAANADA

Related posts

Maxaa looga hadlay Shirka Maamulka G/Banaadir oo qaab Online ah loo qabtay? (Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada askarta Mareykanka ee waxyeelada kasoo gaartay Duqeymaha Iraq iyo Syria oo …

Cabdi Cade

(Sawirro) Dhalinyaro ka tirsaneyd Soomaalida wax ka barta Turkiga oo ku dhintay doon la qalibantay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---