Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil 7 jir ah oo sanad gudihiis si fudud ku sameeyey 22 Milyan oo dollar (Daawo Sawirro)

Wiil 7 sanno jir ah oo ka faallooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay inuu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeyay sanadkan barta Youtube sida ay qortay majalladda Forbes.

Ryan ayaa ka sare maray dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul kaasoo uu ka sareeyay lacag dhan nus malyuun dollar.

Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isagoo hela lacag dhan $20 milyan dollar.

Wiilkan oo la weydiiyay sababta kanaalkiisa ay caruurta u jecelyihiin ayaa sheegay inuu madadaaliyo ayna ka heleen majaajiladiisa.

Sanadkii 2015-kii ayuu kanaalkiisa sameeyey wiilkan yar muuqaalada qaarna waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xiran 17.3 milyan oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo shaki galinaya qabsoomida kulanka uu la qaadanayo Kim John Un

Cabdi Cade

Max’uud Sayid Aadan “Kenya dhaqaalahoodii iyo dhiigoodii ayey nala garab taagan yihiin”

Caydiid Ali

Cabsi soo waajahday markale midowga musharaxiinta & qorshe uu waday Farmaajo oo la fashiliyay !!

admin
Taboola Ads ---