Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Waraysi gaar ah siiyay wargeyska The New Yourk Times ee kasoo baxa Mareykanka, waxa uuna wareysigan kaga hadlay Cirro arrimo dhowr ah oo khuseeya xaalada Somaliland iyo rabitaankooda aqoonsi raadinta ah.
Wareysiga uu bixiyay ayuu Madaxweyne Cirro , ku sheegay in Somaliland tahay dal madaxbannaan oo ku yaalla goob istaraataji ah, waxa uuna xusay in Somaliland tahay dhul hodan ah oo leh khayraad fara badan oo kala duwan oo dabiici ah, berri iyo badba.
Madaxweyne Cirro ayaa Maraykanka u soo bandhigay in ay si buuxda u isticmaali karaan saldhiga millatari iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera oo ku yaalla goob istaraataji ah oo mudnaan weyn u leh amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo weliba isu socodka ganacsiga Caalamka.
Waxa uu sheegay Cirro in isaga iyo dadkiisuba ay aaminsan yihiin in marka la eego fahamka sare ee uu Madaxweyne Donald Trump u leeyahay fursadaha xagga ganacsiga caalamka ay dhalin doonto in uu aqoonsado maamulka Somaliland.
Maamulka Somaliland, ayaana raadin badan ugu jirta in ay hesgo aqoonsi, waxa ayna hadda dowladda Mareykanka ku qalqaalinayaan in saldhig milatari ka dhigtaan magaalada Berbera, si ay mustaqablak uga helaan aqoonsi u horseedi kara in ay noqdaan dal madaxbannaan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com