Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa ku warramay in la aqoonsaday saldhig godod dhulka hoostiisa ah oo loo badinayo inay ciidanka Iran ee ilaalada kacaanka ka hirgeliyeen dalka Suudaan. Waxa la arkay ayaa ah in saldhigan uu leeyahay 12 albaab oo laga galo.
Iran, waxay ahayd dalkii u horreyay ee ka jawaabay codsiga milatariga Suudaan, xilligaa oo ay siisay taageerro milatari oo isugu jira ; tababarka ciidanka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo fallanqeynta warbixinnada sirdoon, markaa oo ay labada dal sidoo kale dib usoo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed.
Sawirrada lagu qaaday dayax-gacmeedyada ayaa ku soo aadday xilli shalay dalka Cumaan ay ka furmeen wada-xaajoodyo u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran , iyadoo ay jirta walaaca laga qabo in lagu guul-darraysto wadahadallada, sabab la xiriirta kala aragti duwanaanta u dhaxeeya labada dhinac, xilli Trump uu ku hanjabayo in haddii ay wada-hadallada burburaan uu weerar ku qaadi doono Iran.
Israa’iil oo gadaal ka riixeysa duullaan lagu qaado Iran , waxay sidoo kale u adeegsan doonta saldhigga looga shakisanyahay inay Iran ka hirgelisay Suudaan inay u aqoonsato goob saadka milatari looga kala gudbiyo kooxaha ay Iran taageerto ee bariga dhexe, markaa oo ay bartilmaameed u aqoonsan karto.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com