Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo iyada oo toos loo arkayo lagu toogtay Johannesbur

Waxaa xalay nin hubeysan oon wali heybtiisa la garan, ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, ku toogtay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Maxamuud Cabdiraxmaan Siyaad (Doolle) , oo kamid ahaa dhallinyarada magaaladaasi ku dhaqan.

Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee hotelka Nura oo ay ku sugnaayeen dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed, waxaana xilliga dilka dhacayay ninka la dilay iyo dhallinyaro kale oo la joogtay ahaayeen kuwa sheekeesanayay , sida laga arkay muuqaal ay duubtay kaamiradda CCTV.

Ninka dilka geestay ayaa goobta si degdeg ah uga baxsaday, mana jiro ilaa hadda cid aqoonsatay ama faahfaahin badan ka bixisay dilka iyo waxa keenay, ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika oo tagay goobta dilku ka dhacay ayaana sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan dilkan.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee nolosha u raadsaday dalka Koonfuir Afrika, ayaa si joogto ah loogu dilaa magaalooyin iyo tuulooyin dalkaasi katirsan, waxaana mararka qaar dhacda in Soomaalida dhaxdeeda in iyagu is dilaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sirdoonka Itoobiya oo digniin ka bixiyey Wararka la xiriira xaalada RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Xogta kulan dhexmaray Madaxweyne Guudlaawe iyo Danjire Tim Trenkle

Caydiid Ali

(Sawirro) Dowladda Somalia oo guddoontay deeq Caafimaad oo loogu talo galay COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---