Iiraan iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay wareegii ugu horreeyay ee wadahadallada oo ka dhacay Cumaan, oo ku saabsan barnaamijka nuclear-ka ee Tehran – kulan heerkiisu sarrreeyo kii ugu horreeyey ee labada dal yeeshaan tan iyo 2018.
Labada dal ayaa kulanka ku tilmaamay mid “wax ku ool ah” waxayna xaqiijiyeen in wareeg labaad oo wadahadallo ah uu dhici doono usbuuca soo socda – Maraykankana waxa uu ammaanay “Wadahallada tooska ah” inay tahay furaha heshiis suurtagal ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayey inuu sameyn doono heshiis “ka wanaagsan”.
Wadahadalladan waxaa loo arkaa inay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu ogaanayo haddii heshiis la gaari karo.
Taasi waxay ahayd sida ugu wanaagsan ee ay dhici karto markii mas’uuliyiinta Iiraan iyo Maraykanka ay fariisteen Muscat, caasimadda Cumaan, kaas oo diblumaasigiisa ugu sarreeya uu dhexdhexaadiyay wada xaajoodyada aan tooska ahayn.
Wadahadalladani waxay ahaayeen kuwa ugu muhiimsanaa tan iyo markii Trump uu ka baxay heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan iyo quwadaha caalamka ee 2015, intii uu xafiiska joogay.
Go’aanka wakiilka Iiraan ee wadahadallada, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abbas Araghchi, wuxuu ahaa mid togan.
“Ra’yigayga, kulanka ugu horeeya wuxuu ahaa mid wax ku ool ah oo lagu qabtay jawi aad u nabdoon oo ixtiraam leh, sababtoo ah ma jirin luqad aan munaasab ahayn oo la isticmaalay,” ayuu u sheegay TV-ga qaranka Iran.
Codkiisa diblomaasiyadeed wuxuu muujinayaa in kooxda Maraykanka ee uu hoggaaminayo wakiilka Trump, Steve Witkoff, aysan soo celin wax ka mid ah hanjabaadihii madaxweynaha ee ahaa in Iiraan ay la kulmi doonto “khatar weyn” haddii wadahadalladan aysan guuleysan. Wuxuu si joogto ah uga digay weeraro millatari oo suurtagal ah.
Kulankani wuxuu dhacay iyadoo wafuudu ay ku suganaayeen qolal kala duwan uuna fariimaha u u kala gudbinayey wasiirka arrimaha dibada ee Cuman,Badr bin Hamad al-Busaidi.
Witkoff, oo hogaaminaya wafdiga Mareykanka, ayaa horey uga hadlay kaliya kulan fool ka fool ah.
Laakiin Araghchi iyo Witkoff waxay wada hadleen dhowr daqiiqo iyada oo uu joogay Busaidi – taasoo aysan ahayn wadahadalladii tooska ahaa ee ay mas’uuliyiinta Maraykanku sheegeen inay dhici doonaan, balse waxay noqon kartaa furitaan yar oo muhiim ah.
Bayaan ay soo saareen aqalka cad ka dib wadahadallada, ayaa lagu sheegay in wadahadalladu “ay ahaayeen kuwo aad u togan oo wax ku ool ah,” iyadoo la xusay in Witkoff uu Iiraan ku adkeeyay inuu haystay tilmaamo ah inuu xal u raadiyo “khilaafaadka” labada dhinac “iyadoo loo marayo wadahadal iyo diblomaasiyad, haddii ay taasi suurtagal tahay.”
“Arrimahani waxay ahaayeen kuwo adag, wadahadallada tooska ah ee maanta ergyaga gaarka Witkoff, waxay ahaayeen tallaabooyin horey loo qaaday si loo gaaro natiijo faa’iido leh oo labada dhinac ah,” ayaa lagu daray bayaanka.
Araghchi, ayaa ka hor wadahadallada sheegay in wadankiisu uu doonayo “heshiis cadaalad ah”.
Ka dib markii wada-hadallada la soo gabagabeeyay, wuxuu sheegay in laga yaabo in wadahadallada toddobaadka soo socda aysan ka dhicin Cumaan, laakiin ay weli dhexdhexaadin doonaan qaranka Bariga Dhexe. Aqalka Cad ayaa sheegay in ay dhici doonaan Sabtida soo socota.
“Anaga, iyo dhinaca kale, ma doonayno wadahadallo aan faa’iido lahayn, dooddo aan macno lahayn, waqti lumis ah, ama wadahadallo sii soconaya weligood,” ayuu u sheegay Araghchi telefishinka dowlada Iiraan.
Arrinta ugu muhiimsan ee la isku haysto ayaa ah nooca heshiis ee labada dhinac ay diyaar u yihiin inay aqbalaan.
Trump ayaa bishii hore warqad u diray hogaamiyaha sare ee Iiraan isaga oo maraya Imaaraatka Carabta, isagoo sheegay inuu doonayo heshiis si looga hortago in Iiraan ay hesho hubka nuclear-ka iyo si looga fogaado weeraro millatari oo suurtagal ah oo ay Maraykanku iyo Israa’iil ku qaadi karaan.
Iiraan ayaa rajeyneysa heshiis lagu xadidi doono, laakiin aan lagu burburin, barnaamijkeeda nuclear-ka, si ay ugu beddesho in laga khafiifiyo cunaqabataynta.
Ilo-wareed aan la magacaabin oo ku sugan dalka Cumaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wada-hadalladan lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda gobolka iyo sidii maxaabiista la isku dhaafsan lahaa.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com