Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo caawa kulamo ka wada Laascaanood (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka.

Waxaa uu ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Midowga Yurub oo shaaciyey iney isha ku hayaan sida ay u socoto doorashada Somalia

Caydiid Ali

KFC oo raaligelin ka bixisay cunsuriyad ay kula kaceen nin Naafo ah uu dhalay guddoomiye…

Cabdi Cade

Ganacsato badan oo lagu xir xiray Muqdisho iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---