Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo beenisay Warqad lagu faafiyey Baraha bulshada

Puntland oo bayaan kooban soo saartay ayaa beenisay wararka ku saabsan inay shaqa-joojin ku samaysay diyaaraddii maanta Laascaanood geysay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Warsaxafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland ayay ku caddaysay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Puntland shaqa-joojin ku samaysay diyaaraddii soo qaadday Ra’iisul wasaare Xamse, kaddib markii baraha bulshada ku faaftay warqad been-abuur ah oo ay ku qoran tahay shaqa-joojintaasi.

“Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland, waxay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland u caddeynaysaa inaysan jirin wax diyaaradda ah oo ay shaqada ka joojisay. Sidoo kale waxaan caddaynayna wararka social media kujira ee sheegaya in diyaarad shaqada laga joojiyay ay been abuur yihiin” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Puntland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Related posts

Ciidamada booliiska oo caawa Muqdisho ku qabtay Dooni siday waxyaabaha maanka dooriya

Cabdi Cade

Muxuu ahaa dagaalka saaka ka dhacay duleedka Baydhabo?

Caydiid Ali

Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Gaadiidleyda Xamuulka kasoo qaada Dekadda Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---