Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo war ka soo saartay kulankii Xassan Shiikh & Erdogan

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan, inta lagu guda jiray Madasha Diblumaasiyadda Antalya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog waraystay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo argagixisada, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

DHAMMAAD

Related posts

Dalka Ma Ka Samataxbixi Karaa Darandoorriga Ah: Daad Ama Abaar ?

Cabdi Cade

Maraykanka oo ka hadlay shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

Ciidanka ATMIS oo howlgalo ka bilaabay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---