Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo daandaansi ku sifeysay safarka Xamse ee Laascaanod

Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay Safarka uu Raisal Wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood.

Waxay sheegtay in ay soomaaliya ay daandaansi ku wado dhulka Somaliland, iyadoo baaqna u dirtay Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood waxay ka dhigan tahay daandaansi aan qarsoonayn iyo xad-gudub ba’an oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliland. Falkan aan ka fiirsiga lahayn ayaa loo arkaa inuu yahay ku dhawaaqis dagaal.” Afhayeenka Dawladda Somaliland Xuseen Cumar Deyr.

Dhinaca, kale Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyey Socdaalka Raisal Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND

Related posts

Dowlada Somalia oo kahor timid in AMISOM la socoto Dhaq dhaaqa ciidanka Dowlada

Cabdi Cade

Diyaaradaha Aan Duuliyaha laheyn oo lagu wareejiyay Ciidamada AMISOM

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare ma gobolka Hiiraan kaliya ayuu maamulaa Mise ?!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---