Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Raisal wasaarihiisu u tegay Magaalada Laascaanood sidii uu xal nabaddeed ugu raadin lahaa colaaddii Gobolkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shir ka dhacay Turkiga, ayaa waxa la weydiiyey socdaalka Raisul Wasaaraha, wuxuuna xusay in aan halkaas u tegin inuu xiisad abuuro.
“Raysal Wasaaraha wuxuu Laascaanood u tegey in uu abuuro jawi wada-hadal oo lagu xallin karo shaqadaaqadii halkaas oo aysan DFS qayb ka ahayn, Waxay kala haystaan maxaabiis welina majiro xal, marka waxaan rabnaa wado nabadeed oo shaqaaqadaan gudaha ah laga gaaro” ayuu yiri Madaxweynaha.
Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowladiisu ka xun tahay dagaalkaas, aysan qeyb ka aheyn, kana noqon doonin xalkana ka shaqeynayso.
Madaxweynaha ayaa la aaminsan yahay in madasha Antalya in uu warkan ka sheego ka dhigan tahay fariin siyaasadeed oo aysan aheyn wax fudud & dood madasha taalay.
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa horey ugu sheegay xildhibaanada iyo wasiirada DF ee ka soo jeeda Somaliland in RW Xamse uu u tagay Laascaanood sidii uu ugala hadli lahaa Madaxda SSC-Khaatumo in lahelo wadiiqo wada hadal oo la xiriira maxaabiis is dhaafsig & isku furida bulshada ku kala dhaqan SSC khaatumo iyo Somaliland.