Allbanaadir.com
NEWS

Wadahadalkii Iran & Mareykanka oo la soo gebagebeeyey

Wadahadallo muhiim ah oo u dhexeeyay Iran iyo Maraykanka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan.

Wadahadalladan oo ahaa kuwo dadban (indirect) ayaa diiradda lagu saaray barnaamijka nukliyeerka Iran iyo qaadista cunaqabateynta saaran dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay in kulamada ay ku dhaceen jawi saaxiibtinimo leh oo ku saleysan is-ixtiraam, isla markaana la isku afgartay in wada-xaajoodyadu sii socdaan toddobaadka dambe.

Wakiilka Iran Abbas Araghchi iyo Wakiilka Maraykanka Steve Witkoff ayaa isdhaafsaday mowqifyada dowladahooda iyadoo ay farriimaha kala gudbinayeen saraakiil reer Cumaan ah.

Kadib kulamada, labada mas’uul waxay si kooban ula hadleen midba midka kale iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr Albusaidi uu goobjoog ahaa. Albusaidi ayaa uga mahadceliyay labada dhinac dadaalkooda, isagoo ku tilmaamay wadahadallada kuwo ujeedkoodu yahay in lagu gaaro “heshiis cadaalad ah.”

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhanka Maraykanka, halka Madaxweynaha Donald Trump uu horey u hanjabay in tallaabo milatari la qaadi karo haddii heshiis la gaari waayo. Iran dhankeeda waxay sheegtay inaysan doonaynin hub nukliyeer ah balse ay rabto in laga qaado cunaqabateynta.

 

Related posts

RW Xamse oo Khudbad ka jeediyay shirka Golaha loo dhan yahay ee QM (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsade si weyn u taageera afkaarta Al Shabaab oo Muqdisho lagu xiray

Cabdi Cade

Dowlad goboleed ka soo horjeestay sharciga Saxaafada ee uu saxiixay Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---