Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo ka farxiyey askar soo qabatay Al-Shabaab nool

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ku sugan difaaca ugu dambeeyay ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaamiyeyaasha ciidanka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furinta waxa uu la wadaagay hambalyo ku aadan maalintooda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u wakiishay Wasiirka Amniga inuu goobta ku guddoonsiiyo abaalmarin lacageed oo dhan $2,000 askar ka mid ah ciidanka muuqdo ee Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka iyo xubin ka mid ah kuwa deeganka oo lagu abaalmariyey qori AK-47.

Xubnahan ayaa deegaan ay ku sugnaayeen Al shabaab waxa ay kasoo qabteen xubno nool oo ka tirsan kooxdaas kuwaasoo ay ku soo wareejiyeen Hay’addaha ku shaqadda leh sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Hirshabbelle.

“Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka waxaan ku garab taaganahay in laga adkaado Khawaarijta.” ayuu yiri Madaxweynaha oo kula dardaarmay in la dardargeliyo howlgalka dabar-goynta al-shabaab.

Related posts

Somaliland oo xukuno xabsi & ganaax ah ku riday Coldoon iyo weriyeyaal kale

Caydiid Ali

Munaasabada Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal oo socota iyo Madaxda sare oo .. (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sadaxda Nin ee Ugu Mushaar ka badan Wasaaradda Maaliyadda iyo Heerka Musuq-Maasuqa uu gaaray !!

admin
Taboola Ads ---