Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray qeybaha, talisyada iyo darajooyinka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ka xoreeyeen, isagoo bogaadiyey naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda difaacaan, kana sifeeyaan argagixisada ku soo duushay.
“Ciidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socda. Mudadii la soo dhaafay, waxay guulo muhiim ah ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, iyagoo xoreeyay deegaano badan oo muhiim ah, isla markaana jab xoogan u geystay kooxaha nabad-diidka ah”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo kor u qaadidda nolosha Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed.