Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan oo kamid ahaa dhalinyarada da’ yarta ah ayaa xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii ay toogteen laba nin oo hubaysan.
Qoraal kooban ka soo baxay ciidanka Booliska gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen laba eedaysane oo loo haysto dilka marxuumkaasi da’da yar ee lagu dilay waqooyiga Gaalkacyo, islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo horgeyn doono hay’adaha garsoorka.
“Ciiddanka Pol mudug ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan 2 eedaysane kuwaas oo ka danbeeyay dilkii Marxuun C/rashiid Xuseen C/raxmaan oo Salaadii Maqrib ee Gaalkacyo lagu dilay. kuwaas oo xiligan kujira Gacanta Police ka Gobolka Mudug, waxaana si dhaqsaa loo horgayn doonaa Hay’adaha Garsoorka” ayuu sheegay Booliska gobolka Mudug.
Dhinaca kale, ciidanka Booliska gobolka Mudug wax faahfaahin ah kama bixin sida uu u dhacay dilkaasi iyo sababta keentay, marka laga reebo in ay xaqiijiyeen qabashada labadii eedaysane ee loo haystay in ay ka danbeeyeen dilka marxuum Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan.