Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo soo saaray War-saxaafadeed kana hadlay …

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannadguurada 65–aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay ay dadaal xooggan ku bixisay dhisitaanka, qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna guulo waaweyn ka soo hooyeen cadawga dalkeena u diidan horumarka ee Khawaarijta.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda weyn ee qarankeenna u leeyahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda ammaanka iyo xuduudaha dalka, kana difaaca shacabka Soomaaliyeed khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno inuu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda iyo dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay maalin iyo habeen u taagan yihiin.

 

Related posts

Xil ka qaadis maanta lagu sameeyay Cabdi Maxamed Rodol (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth oo gaartay go’aan muran badan dhaliyey

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---