Labadii sanno ee u dambeysay , waxaan la socday xaaladda Qasa iyo ururka Xamaas , si ka duwan 2008 iyo 2014, dagaalladii ka dhacay Qasa ; hoggaamiyayaasha reer galbeedka waxay tagayeen bariga dhexe , marka ay ka soo dhammaadaan kullamada madaxda Carabta , waxay ku dhawaaqayeen, hal hadal oo isku mid ah ; “Nolasha Falastiiniyiinta , waxay ku xirantahay Xamaas oo ka baxda Qasa.”
Saxafiga Mareykanka ah ee Bob Woodward, ayaa buugga dagaalka ee uu soo saaray bishii Oktoobar, 2024, wuxuu ku daahqaaday waxa uu kala kulmay madaxda Carabta , xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka , Antony Blinken oo toddobaad ka dib , dagaalkii 7 Oktoobar, 2023 booqasho ku maray dalalka Carabta , markaa oo Mareykanku wax badan ka hadal dagaalka, balse ujeedka safarka wuxuu ahaa in Mareykanku oggaado mowqifka Carabta , ka hor inta aan la qaadin wax tallaabo ah , waxay ahayd wax uu la yaabay Blinken, natiijadii ka soo baxday kullamadii uu la qaatay madaxda Carabta ; Boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan ayaa ahaa qofkii u horreyay ee uu la kulmay , wuxuu u sheegay ; “ Israa’iil wax badan ayaan uga dignay Xamaas , waa niman xun oo Ikhwaan ah , waa inay baabi’isaa”. Hadalka xigay wuxuu ahaa mowqifka Imaaraadka oo noqday ; “ Kaliya noo oggolaada inan gargaar geyn karno Qasa.” Mana jirin cid diidday waxa ay Israa’iil ka sameynayso Qasa oo wuxuu arkay dareenka inuu Israa’iil la jiro! Marka laga tago mowqifka Qatar iyo Sacuudiga , Blinken , hadallada uu ka maqlay hoggaamiyayaasha kale ee Carbeed , ma ahayn waxa uu horey u filayay, sida lagu sheegay buugga uu qoray Bob Woodward.
Waxa u dambeeyay , Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron oo toddobaadkii hore inta uusan booqasho ku tagin Masar, baahiyay farriin afka Carabiga lagu qoray oo uu ku soo bandhigay inuu ka soo horjeedo xasuuqa Qasa oo uu ku baaqay wada hadal iyo joojinta dagaalka, waxaa xigtay inuu sheegay bisha June inuu Faransiiska aqoonsanayo dawladda Falastiin , laakin markii uu la kulmay madaxweyne Al-Sisi iyo boqor Cabdallaha labaad ee Jordan , wuxuu maanta afka Cibraaniga (Hebrew), ku baahiyay farriin uu ku sheegay inuu taageerrayo ammaan ay hesho Israa’iil (Xamaas oo meesha laga saaro), iyo dhismaha dawladda Falastiin oo ay ka maqantahay Xamaas.
Waxay u muuqataa inay Carabtu doonayso burburinta Xamaas , haddii Falastiiniyiinta oo dhan ay taa u dhimanayaan, badbaadada Falastiiniyiinta, si la mid ah waxaa lagu xiray Xamaas oo la kala diro, waa sababta aadan u arki doonin qaran caawinaya dadka Qasa oo faragelin ku sameyn kara xasuuqa ay Israa’iil u geysanayso!
Sidee lagu kala diri karaa Xamaas?
Xamaas, waxay maamullan Qasa , oo dagaalka labada sanno ka gudbayo ma jirto sawir guul ah oo ay Israa’iil ka gaartay, balse si loo jabiyo adkaysiga Xamaas iyo dadka Qasa, waxay Israa’iil ku kacday xasuuq iyo burburin aan horey loogu arag dagaallada , iyadoo ka raadinaysa inay ku gaarto in meesha laga saaro Xamaas; daqiiqad kasta qof ayaa ku dhinta Qasa , saddexdii qof ee dhimanaysa labo ayaa carruur ah, qofkii aan ku dhiman duqeynta Israa’iil, wuu ku dhaawacmaya, wuxuuna u dhimanaya dhaawaca, sababtoo ah ma jiraan adeegyo ku filan oo caafimaad, waxayna Israa’iil burburisay isbitaallada iyo bakhaarada dawada — qof aan u dhiman bambooyinka Israa’iil iyo dhaawac, wuxuu marinka Qasa uga dhimanayaa gaajo, maaddama ay Israa’iil hor istaagtay gargaar in la gaarsiiyo!
Joojinta xasuuqan haddii ay ku xirantahay Xamaas oo la kala diro kana baxda Qasa, waxay marar badan ku celceliyeen inaysan taasi dhici doonin illaa nolasha qofka u dambeeya! balse taa beddelkeeda waxay soo bandhigeen si loo kala diro Al Qasaam, waa in la dhisaa dawladda Falastiin oo caasimaad ay u tahay bariga Qudus, tan oo ah waxa ay u dagaallamayaan!
Dhibaatadu waa in Xamaas , ay tahay Qasa oo qof kasta oo Qasan ah , waxaa ku beeran Xamaas, tana waa sababta dheeraysa in dagaalka Qasa ay wax natiijo guul ah ka gaari la’yihiin Israa’iil iyo xulafadeeda..! Tani waa in dagaalkan lagu jiro doono illaa ay ula muuqanayaso in natiijada ay dagaalka ka doonayaan ay gaareen Israa’iil iyo Carabta oo ah burburinta Xamaas.
W/Q Iman Jamac
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com