Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad u fidiyey madaxda dowlad-goboleedyada dalka ka jira, marka laga reebo maamulka Jubbaland oo dowladda Federaalka Soomaaliya u aqoonsan tahay Madaxweynaheeda mid kusoo baxay doorasho sharcidarro ah.
Casuumada uu Madaxweyne Xasan Sheekh u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaana si cad looga reebay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana casuumada madaxda loo diray ku jira Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , oo la rumeysan yahay in uusan shirkan kasoo qeybgeli dooni.
Shirkan Golaha Wada-tashiga Qaranka oo lagu wado in uu qabsoomo 1da ilaa labada bisha May, ayaa waxaa kasoo qeybgali doona madaxda maamulada xiriirka la leh dowladda Federaalka , kuwaa oo kala ah Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, oo ka falceliyay casuumadda laga reebay Madaxweynaha Jubbaland shirka Wadatashiga , ayaa sheegay in shirkaasi horey maamulkooda uga baxay, ayna hadda diyaar u aheyn in ay ka qeyb galaan.
“Jubbaland waxay go’aan mas’uuliyad ku dheehan tahay ku gaartay inay ka baxdo Madasha Wadatashiga 7-dii Oktoobar 2024, Madaxweyne Xasan haddii uu hilmaamay, waa in la xasuusiyo in Jubbaland aan laga maamulo Villa Somalia. Annaga ayaa masiirkeena ka talina,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa kamid ahaa masuuliyiintii soo dhaweysay gogoshii uu dhawaan ku dhawaaqay Xasan Sheekh in uu dhigayo, hasa ahaatee gogoshaasi ayaa hadda u muuqata mid laga noqday uuna Xasan Sheekh kaliya la shirayo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com