Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay booqashada lagu wado in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in booqashada Xamse Barre ku tagayo magaalada Laascaanood ay xadgudub ku tahay madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida mandaqada.
Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in safarka Laascaanood ku tagayo Xamse Cabdi Barre ay wiiqayso dedaallada socda ee lagu xoojinayo nabada iyo xasiloonida gobolka. Waxa ayna sheegeen in dowladda Soomaaliya qaadi doonto masuuliyad darada ka dhalata booqashada Xamse ee Laascaanood.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa ay ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay garowsadaan in falalka masuuliyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwo khatar toos ah ku haya nabadda iyo amniga gobolka.
“Somaliland waxay muddo dheer dulqaad u muujisay ficillada daandaansiga ah ee Soomaaliya, iyadoo weligeed ay tiir u ahayd xasilloonida isla markaana samayn togan u leedahay mandaqada,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland.
Somaliland waxa ay ku boorisay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay si degdeg ah oo wadajir ah uga falceliyaan safarka Xamse ee Laascaanood. Waxa kaloo ay intaas ku dareen in haddii aan wax laga qaban safarka ay mandaqada ku faafi doonaan kooxaha qalalaasaha wada oo horseedi doona khataro amni darro iyo dhibaatooyin bini’aadannimo.
Ugu dambeyn maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay qaadi doonaan tallaabooyin cadcad oo ay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda haddii ay khatar ku timaaddo, waxa ayna caddeeyeen in aysan qaadi doonin masuuliyadda waxii dhaca.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com