Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Laascaanood (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo lagu soo dhaweeyay  wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaa oo horudhac u ah safarka la filayo in magaaladaasi ku tago  Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wafdiga wasiirada ah ee ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood kahortagay si weyna ugu soo dhaweeyey  masuuliyiin katirsan maamulka khaatumo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ,ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC Khaatumo ku soo dhaweeyey wafdigaan Wasiirada ah ,waxaana halkaasi ka socda diyaargarowga safarka Xamse Barre ku tagayo Laascaanood.

Magaalada Laascaanood, ayaa amaankeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada ku qulqulaya wafdi kala duwan oo horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaare Xamse Barre ku tagayo magaaladaasi, waxaana magaalada hadda tahay mid ku jirta jawi ka beddelan kii horey looga bartay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo kooxda Taalibaan ku wareejiyay Maxbuus muddo 15-sanno ah u xirnaa

Cabdi Cade

Mareykanka oo War cusub ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga Manda Bay

Caydiid Ali

Dowadda oo qaaday tallaabo ay kusoo jiidaneyso dadka degan Masagawaa (Sawirro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---