Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo xil u magacaabay Madaxweynihii hore ee Tigrey

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay in uu lataliye u noqdo Madaxweynihii maamulka KMG ee gobolka Tigrey Getachew Reda, oo isbuucyo kahor kasoo cararay gobolka kaddib markii uu mucaaradad xooggan la kulmay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, ayaa lagu shaaciyay in Getachew Reda uu kamid yahay lataliyaasha gaarka ah uu leeyahay Ra’isul Wasaare Abiy, waxa uuna hadda kaddib ka howlgali doonaa xafiiska Abiy.

Getachew Reda, ayaa laga qaaday xilka KMG ee maamulka gobolka Tigrey, kaddib markii kacdoono isaga ka dhan ah halkaasi ka bilowdeen, waxaana Madaxweynaha cusub ee maamulka gobolka Tigrey loo magacaabay sargaal ciidan oo lagu magacaabo  Leitenant General Tadesse Worede.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaana xal u raadinaya xasilloonida gobolka Tigrey oo horey uga dhaceen dagaallo dhiig badan ku daateen, waxa uuna xilka Madaxweynaha u magacaabay sargaal ciidan oo kamid ahaa mucaaradka Madaxweynihii xilka laga diray.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah oo gantaallo badan ku garaacday waqooyiga Israa’iil ka dib markii..

Caydiid Ali

Dalka Masar wax badan oo aan horey u ogeyn ayaa hadda ka soo bartay!

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka ka socda Guriceel iyo sida hada xaalku yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---